Dalka Mareykanka Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo tartan adag la geyleysa haweeney madow ah

Dalka Mareykanka Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo tartan adag la geyleysa haweeney madow ah

daajis.com:- Dalka Mareykanka waxaa maanta Doorasho saameyn xooggan ku yeelaan doontaa jiheynta qaranka gaar ahaan saameynta siyaasiyiinta iyo awoodda xisbiga talada haya ee Aqalka Cad.

Ilhaan Cumar ayaa kamid ah musharraxiinta u tartameysa doorashada maanta ka dhaceysa Mareykanka.

Ilhaan ayaa waxay la tartameysa haweeney iyadana madow ah lagu magacaabo Cicely Davis oo ka socota xisbiga Jamhuuriga.

Ilhaan Cumar ayaa bishii Ogoosto waxay la soo tartantay afar murashax oo uu ka mid yahay Don Samuels oo horay uga tirsanaa golaha deegaanka ee Minneapolis, inkastoo uu soo galay kaalinta labaad hadana Ilhan ayay guusha raacday.

Maanta  goobaha cod-bixinta waxaa la furay 7-dii subaxnimo waxayna furnaan doonaan ilaa 8-da fiidnimo ee Caawa.

Doorashadan maanta dhaceysa ayaa ku soo aadeysa xilli Mareykanka uu la daalaa dhacayo dhaqaale xumo iyo walaaca ka dhashay falal dambiyeedka iyo muhaajiriinta aan sharciga wadan, go’aanka kasoo baxa doorashada ayaa noqon karaa mid adag oo ka dhan ah madaxweynaha haatan talada haya.


Office Nairobi Kenya







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada