Maxaa ka jira in Didier Drogba uu qaatay diinta Islaamka?

Maxaa ka jira in Didier Drogba uu qaatay diinta Islaamka?

daajis.com:- Saacadihii la soo dhaafay waxaa aad baraha bulshada ugu baahay qoraallo lagu sheegayo in laacibka weyn ee u dhashay Ivory Coast, Didier Drogba uu qaatay diinta Islaamka.

Warkan ayaa soo baxay kadib markii wadaad Muslim ah oo lagu magacaabo Dr Maxamed Saalax oo ku nool Maraykanka uu baahiyay sawiirro muujinaya Drogba oo u ducaysanaya sida Muslimiinta.

Wadaadka ayaa sheegay in Drogba uu qaatay diinta Islaamka, sidaana waxaa ku baahay warka.

Saacado kadib Drogba ayaa bartiisa rasmiga ah soo dhigay in uusan bedalin diintiisa, isla markaana uu la yaabay sida uu u faafay warkaas.

“Sheekadan aad ayey u faaftay, balse ma beddelin diinteyda. Waxaan xushmad u muujinayay walaalahay Muslimiinta ah oo aan ku booqday deegaankayga. Waxay ahayd munaasabad aan midnimo ku muujinay,” ayuu bartiisa Twitter ku sheegay Drogba.

Dr Maxamed Saalax ayaa markii dambe tiray qoraalka hore, waxaana uu sheegay in Drogba uusan noqon Muslim, hase yeeshee uu u duceynayo.

Waa kuma Drogba?

Didier Drogba waxa uu kamid yahay xidigaha ugu magaca dheer kubadda cagta dunida. Waxa uu koobab badan la qaaday kooxda Chelsea ee ka dhisan Ingiriiska. Dalkiisa Ivory Coast waxa uu u ciyaaray saddex koob oo dunida ah.


Kadib 20 sano oo uu heerka ugu sarreeya ka gaaray kubadda cagta, waxa uu sanadkii 2018 shaaciyay inuu ka fariistay ciyaaraha.

Waxa uu u tartamay hogaanka xiriirka kubadda cagta dalkiisa, balse kuma aanu guulaysan.

Waxa uu haystaa diinta Masiixiga, isagoo si weyn ugu xiran kaniisadaha dalkiisa iyo weliba kuwa dibedda.

Isha: BBC






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada