Hub ka-dhigista TPLF oo si rasmi ah uga bilaabaneysa gobolka Tigray

Hub ka-dhigista TPLF oo si rasmi ah uga bilaabaneysa gobolka Tigray

daajis.com:- Dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigreega ayaa Sabtidii kala saxiixday heshiis dejinaya qorshaha hir-gelinta heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay ku gaareen waddanka Koonfur Afrika bishan.

Wakiillo ka kala socda dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF ayaa tan iyo Isniintii ku shirsanaa magaalada Nairobi, si ay heshiis uga gaaraan dhinacyo kala duwan oo la xiriira dhaqangelinta heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay magaalada Pretoria.

Ku dhawaaqidda heshiiskan ee Sabtidii ayaa la filayaa in ay sare u qaaddo dadaallada ay wadaan dhexdhexaadiyeyaasha Midowga Afrika ee lagu xallinayo colaadda labada sano ka socotay Itoobiya, taas oo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ku barakiciyeen.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa heshiis ka gaaray hub ka dhigista dagaalyahanada TPLF iyo soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee magaalada Mekele ee xarunta gobolka Tigreega, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ah ee Itoobiya heshiiskan kadib.

Hub ka-dhigistu waxay bilaaban doontaa maalinta Talaadada ah ee 15-ka November, sida lagu sheegay bayaankan, oo nuqul ka mid ah ay aragtay Reuters.

Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in doorka Eritrea oo aan ka qeyb galin wadahadaladan uu yahay mid weli walaac ka jiro. Ciidamada Eritrea ayaa dagaalka kala qeybgalay kuwa Itoobiya.

Iyadoo aan si gaar ah loo magacaabin cid ka tirsan ciidamada shisheeye, ayaa bayaanka la saxiixay Sabtidii lagu sheegay in "hubka ka dhigista hubka culus ay dhici doonto marka laga saaro ciidamada shisheeye iyo kuwa aan militariga Itoobiya ahayn ee ku sugan gobolka."

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Meskel ayaan markiiba ka jawaabin inuu ka hadlo arrintan.


General Tadesse Werede oo ka mid ah wakiillada TPLF ayaa sheegay in ku dhawaaqista fulinta heshiiskan ay rajo galisay inay soo afjari doonto dhibaatada heysata shacabka Tigrayga.

Reuters






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada