Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirka COP-27 ka qayb-galayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirka COP-27 ka qayb-galayo

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Sharma ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka COP-27.

Madaxweynaha ayaa lagu soo dhaweeyay dalka Masar, waxaana uu madaxweynaha ka jeedin doona shirka khudbad dhinacyo badan taabaneyso oo uu kaga hadlay xaaladda dalka iyo isbadalka cimilada.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya

Madaxweynaha iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagaya Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada