Magaalooyinka Ukraine oo ay soo foodsaartay koronto iyo biyo la'aan

Magaalooyinka Ukraine oo ay soo foodsaartay koronto iyo biyo la'aan

daajis.com:- Ruushka ayaa sii xoojiyey weerarada dhinaca cirka ah ee uu ku bartilmaameedsanayo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka Ukraine, gaar ahaan isaga oo waxyeello ballaadhan soo gaadhsiiyey xarumaha korontada iyo biyaha ee caasimadda Kyiv iyo magaalooyin kale oo dalkaas ku yaalla.

Weeraradan ugu dambeeyey ayaa ku soo beegmaya, iyada oo Ruushku uu ku eedeeyey Ukraine inay weeraro ku qaaday maraakiibta Ruushka ee ku usgan badda madow.

Duqa caasimadda Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in weeraradii ka dhacay caasimaddu inay gooyeen korontadii iyo biyihii qaybo badan oo ka mida magaalada, taasoo keentay in 80% shacabka ku nool caasimaddu inaanay haatan haysan biyihii qasabadda.

Wasiirka arrimaha debedda ee Ukraine oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa cambaareeyey weeraradan. Dhinaca kalena, ciidamada Ukraine oo barta ay ku leeyihiin Telegram, qoraal ku soo qoray ayaa sheegay in dhawr duqaymood oo dhinaca cirka ah in Ruushku uu la beegsaday kaabayaasha muhiimka ah ee dalka Ukraine, isaga oo duqaymahaas u adeegsaday illaa 50 gantaal oo waaweyn, hase ahaatee waxay sheegeen inay ku guulaysteen inay soo ridaan 44 gantaal oo ka mida 50-kaas gantaal.

Ciidamada Ukraine ma beenin mana sheegan weerarka uu Ruushku ku eedeeyey ee la xidhiidha inay bartilmaameedsadeen maraakiibtiisa ku sugan badda madow.


Warbixintan oo ay qortay VOANEWS waxaa qaybo ka mida laga soo xigtay AFP, AP iyo Reuters.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada