Baadigoobka dad lagu waayey qaraxyadii Zoobe oo wali ka socda Muqdisho.

Baadigoobka dad lagu waayey qaraxyadii Zoobe oo wali ka socda Muqdisho.

daajis.com:-  Magaalada Muqdisho waxa wali ka socda baadigoobka dhawr iyo toban qof oo lagu la’yahay qaraxyadii Sabtidii ka dhacay isgoyska Soobe, kuwaas oo markii cid ugu war dameysay joogay halka ay dhibaatadu ka dhacday.

Guddiga gurmadka ayaa wada tira koobka dadka waxyeeladu ka soo gaartay weerarradii Sabtidii, waxayna sheegeen in dadka la la’yahay ay toban kor u dhaafayaan.

Goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen waxa laga ururiyay hilbo iyo xubno googo’ay, waxayse mushkiladu tahay inaan lahayn shaybaarka lagu hubiyo ama lagu qaado dheecaanka hide sidaha ah ee loo yaqaano DNA, kaas oo sahli lahaa in la ogaado cidda ay yihiin hilbhaas ama xubnahaas la uruuriyay.

Dadka illaa iyo hadda nolol iyo geeri lagu la’yahay ayaa lagu sheegay inay kor u dhaafayaan illaa 10 qof, waxaana meesha uu qaraxa ka dhacay laga helay qeybo kamid ah jirka bini’aadamka kuwaas oo aan la aqoonsan dadka ay yihiin.

Goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan qoysas raadinaya xubno ka tirsan ehelkooda oo ugu war dambeysay markii ay dhaceen qaraxyadii sababay dhimashada & dhaawaca ee Muqdisho ka dhacay 29-October-2022.


Kooxda Al-Shabaab ayaa ka dambeysay  qaraxyadaan, waxayna sheegatay inay la beegsatay arday la rabay in askar laga dhigo balse sida muuqata waxaa qaraxyadaan ku dhintay dad shacab ah oo ganacsiyo ku lahaa Zoobe iyo kuwa kale oo jidka marayey






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada