Shaabaab loo heysto qaraxyo ka dhacay Gaalkacyo oo dil toogasho lagu fuliyay.

Shaabaab loo heysto qaraxyo ka dhacay Gaalkacyo oo dil toogasho lagu fuliyay.

daajis.com:- Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida ayaa saaka xukun dil toogasha ah waxa ay ku fulisay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasoo hore dil u geystay.

Xukunka dilkan toogashada ah oo ka dhacay magaalada Gaallacyo waxaa lagu dilay C/llaahi Cali Aadan oo lagu helay inuu qeyb ka ahaa dilka wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh C/wali Sheekh Cali Cilmi yare, dilkaas waxa uu ka dhacay Koofurta Gaallacyo sanadkii 2018.

Ninkan Shabaabka ah ee la dilay ayaa xukunka dilka ah maxkamaddu ku riddey sanadkii 2020 maanta ayaana cadaaladda la marsiiyay.

Waxa uu noqonayaa qofkii 8aad ee maxkamadda ciidamadda dil toogasha ah ku fuliso mudo kusiman 15 cisho, waxaana saraakiisha maxkamadaasi ay sheegayaan jn fulinta xukunada dilka ah ay sii socon doonaan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada