Su’aallo ka dhashay weerarka Villa Rosa – “Waa la soo daayey qaraxa yaa soo daayey”?

Su’aallo ka dhashay weerarka Villa Rosa – “Waa la soo daayey qaraxa yaa soo daayey”?

daajis.com:- Ayada oo weli uu socdo howgalka lagu soo afjarayo weerarka tooska ee ay Al-Shabaab ku qaadeen Hoteelka Villa Rosa oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada ayaa waxaa isa soo taraya shaki iyo su’aallo badan oo hareeyey weerarkaas.

Dad kala duwan oo ay ku jiraan siyaasiyiin ayaa ka falceliyey weerarkan oo ku billowday qaraxyo, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo rag hubeysan ay ku galeen hoteelka.

Walaac xoogan iyo tuhuno badan ayaa laga muujiyey, sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay qorsheynta weerarkan oo lagu galay dhisme ku yaalla meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, islamarkaana ay ku yaallaan bara Control oo lagala socdo dhaq-dhaqaaqada Villa Somalia.

Siyaasiyiinta ka hadlay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, wuxuuna sheegay in waddada qaraxu ka dhacay iyo Villa Rosa aysan lug ku tegin karin shacabka, islamarkaana ay joogaan ciidamo tiro badan, balse uu isagu qabo tuhun ku aadan inay jirto wada shaqeyn hoose oo sahashay weerarkaas tooska ah.

“Waddo kasta ee Villa Rosa lagu tagi karo ciidan ayaa fadhiya, mana aha waddo shacabka u furan. Waa la soo daayay qaraxee yaa soo daayay?,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay weerarkan oo qaatay in ka badan 10 saacadood Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax, guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, kaas oo sheegay in aysan salaneyn in la galo Hoteelka Villa Rosa, maadaama ay ku yaallo xeyn-daabka madaxtooyada guud ee dalka looga arrimiyo

“Wax sahlan maaha in gudaha Madaxtooyada la galo iyadoo aan ognahay baraha laga galo sida loo hubiyo dadka galaya. Waa lasoo daayay Qaraxa ee yaa soo daayay?,” ayuu yiri.




Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey inay jiri karto shabakad gudaha ah oo wax ka abaabushay weerarkan, wuxuuna dalbaday in la sameeyo baaris madax banaan.
“Waxaa muuqata inay shabakad gudaha ka hawlgalaysa ay jirto oo u baahan in si miirqabta loo baaro,” ayuu markale yiri Tuulax oo war qoraal ah soo saaray.
Si kastaba, Al-Shabaab ayaa kordhisay weeraradeeda, kadib kacdoonka lagu qaaday ee ka socdo gobollada dalka, waxayna aheyd 20-kii Agoosto markii ay weerar kan la mid ah ku qaaday Hoteelka Xayaat, waxaana kadib xigay kii Zoobe oo isna dhacay 29-kii Oktoobar.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada