Kim Jong Un: Hadafka Kuriyada Waqooyi waa inay yeelato awoodda ugu badan ee hubka nukliyeerka

Kim Jong Un: Hadafka Kuriyada Waqooyi waa inay yeelato awoodda ugu badan ee hubka nukliyeerka

daajis.com:- Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in goolkiisa u danbeeya uu yahay in uu yeesho awoodda ugu badan ee hubka nukliyeerka, isaga oo dallacsiiyay toboneeyo sarkaal oo militari ah, kuwaasi oo ku lug leh tijaabooyinkii dhowaan ee gantaallaha qaaradaha isaga gudba.

Ku dhawaaqistani ayaa yimid kadib markii uu Kim oo kormeeray tijaabada gantaalka cusub ee Hwasong-17 oo ah kuwa qaaradaha isaga gudba ee ICBM, waxaana uu ballanqaaday in uu iska cabbin doono hanjabaadda nukliyeerka ee ka imanaysa Mareykanka oo uu kaga jawaabi doono hub nukliyeer ah.

"Dhisidda awoodda nukliyeerka ayaa ah mid ilaalineysa sharafta iyo madax banaanida dowladda iyo dadka, waana hadafkeena ugu dambeeya oo ah in aan helno xoogga istiraatijiyadeed ee ugu awoodda badan adduunka, waana xoogga aan horay loo arag qarnigan,” ayuu Kim ku yiri amarka dalacsiinta saraakiisha.


Waxa uu ugu yeeray gantaalka Hwasong-17 “hubka istaraatiijiyadeed ee ugu xooggan aduunka” waxa uuna sheegay in ay muujineyso ka go’naanta iyo awoodda Kuuriyada Waqooyi ee ay ugu danbeyn ku dhiseyso ciidanka ugu xooga badan caalamka.

Reuters.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada