DF iyo Shabaab oo guulo ka kala sheegtay weerarkii saaka ee deegaanka Qaayib.

DF iyo Shabaab oo guulo ka kala sheegtay weerarkii saaka ee deegaanka Qaayib.

daajis.com:- Wakaaladda wararka ee SONNA ayaa sheegtay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanka Qaayib ee Gobolka Gaalgaduud ay saaka ka hortageen sadex qarax oo Al-Shabaab ay doonayeen in ay ka fuliyaan halkaas.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay waxa uu ku yiri:

“Khawaarijtu markale waa ay ku jabeen Qaayib saaka. Alllaah ayaa mahadsan ka dibna mujaahidiinta beeniyay doonistii Khawaarijta.”

SONNA ayaa sidoo kale sheegtay in hadda ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaankaasi ciidamada Dawladda iyo kuwa deegaanka.

Dhinaca kalena, Shabaab ayaa sheegatay in saaka weerar culus ay ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo Maleeshiyaad huwan ah. Sida ay baahisay warbaahinta Somali Memo oo afka Al-Shabaab ku hadasho.


“Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar kula jarmaaday illaa 2 saldhig oo kuyaal deegaanka Qaayib ee hoostago Baxdo.” ayay warbaahinta Memo ku daabacday boggeeda.Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka oo ku bilaawday gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ka dibna uu xigay dagaal culus oo labada dhinac dhexmaray, Ciidamada Al-shabaab ayaa sheegay inay Galguduud dhowr jiho ka galeen deegaanka Qaayib ayna gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo saanado melleteri.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada