Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ka qarxay Galguduud

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ka qarxay Galguduud

daajis.com:- Dagaal ayaa ka socoda deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka ku sugan, kadib markii maleeshiyada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen deegaankaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Darawishta Galmudug, kuwa dadka deegaanka iyo kuwa Xooga Dalka.

Weerarkan oo ku biloowday qarax ayaa ilaa hadda la ogeyn khasaaraha rasmiga ah, iyada oo ilo ku sugan magaalada Baxdo oo u dhow deegaanka Qaayib ay VOA u sheegeen in Isbitaalka magaaladaas la keenay dhaawacyo.

Warbaahinta dowladda ayaa dhinaca kale sheegtay in ciidamada xoogag iyo kuwa deegaanka ay fashiliyeen sadex qarax oo 'Al-shabaab ay doonayeen in ay ku gaystaan waxyeelo.'


Al-shabaab ayaa hore u burburisay isgaarsiinta deegaanka Qaayib, waana markii labaad oo dagaallo u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada huwanta ay ka qaraxaan deegaankan.

Warkan oo ah mid degdeg ah wixii kusoo kordha halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonnaa.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada