TARSAN oo raalli-gelin Hadal uu Hore u dhahay "Cismaanka Maxamuud oo dhan wada jareer weeye Zanzibarbaa laga keenay waa run war Deni arag,”

TARSAN oo raalli-gelin Hadal uu Hore u dhahay "Cismaanka Maxamuud oo dhan wada jareer weeye Zanzibarbaa laga keenay waa run war Deni arag,”

daajis.com:- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Amb. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ka hadlay muuqaal laga duubay oo ku baahay baraha bulshada, kaas oo uu uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ka dhan ah Beesha Cismaan Maxamuud.

Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in Beeshaas ay tahay Jareer, islamarkaana laga keenay Zanzibaar, isaga oo tusaale usoo qaatay madaxweyne Deni, sida uu ku yiri codka laga maqlayo muuqaalka laga duubay oo uu qof kale wareysanayo.

“Cismaanka Maxamuud oo dhan wada jareer weeye Zanzibarbaa laga keenay waa run war Deni arag,” ayuu ku yiri muuqaalka laga duubay Tarsan oo ku baahan baraha bulshada.

Tarsan oo qoraal soo saaray ayaa markale ka hadlay arrintan, wuxuuna qiray in hadalkaas uu yiri, kaas oo ay dhibsadeen reer Puntland, gaar ahaan Beesha Cismaan Maxamuud

“Aniga oo ah Danjire Maxamuud Axmed Nuur, waxaan si buuxda raalli gelin uga bixinayaa hadalka baraha bulshada la wareejinayo oo ah mid aan anigu iri” ayuu yiri Tarsan

Sidoo kale wuxuu raalli-gelin buuxda siiyey madaxweyne Saciid Deni, Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo guud ahaan Beesha Cismaan Maxamuud oo uu ka raalli-geliyey hadalkaasi.

“Qof kasta oo dhibsan kara ayaan si niyad ah uga raalli gelinayaa gaar ahaan Beesha Cusmaan Maxamuud, Boqor Burhaan iyo Madaxweyne Siciid Deni,” ayuu sii raaciyey.


Hadalkan ayaa si weyn u baahay, waxaana ka falceliyey dad badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood sheegay inay arrintan u arkaan inay tahay mid kaftan ah, balse waxaa haatan ka jawaabay Tarsan oo soo afjaray doodii ka dhalatay hadalkiisa kadib raalligelinta uu bixiyey.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada