Imaamkii labaad ee Masjid oo lagu dilay magaalada Muqdisho todobaad gudihiis

Imaamkii labaad ee Masjid oo lagu dilay magaalada Muqdisho todobaad gudihiis

daajis.com:- Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegays in saaka dil loo geystay Imaam Masjid, iyadoo uu noqonayo Imaamkii labaad ee todobaadkan gudihiis lagu dilo caasimadda.

Wadaadka la dilay oo lagu magacaabi jiray C/llaahi C/raxmaan waxa uu dilkiisa ka dhacay meel u dhow Guri uu deganaa oo ku yaalla inta u dhaxeysa Ex-koontroool Afgooye iyo Haanta-dheer ee Magaalada muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in marxuumka uu ka soo baxay xiliga la tooganayay masjid uu Imaam ka ahaa, waxaana dilkiisa ka danbeeyay kooxo burcad ah oo tilifoon ka dhaceysay, iyadoo weerarka kadib ay goobts isaga baxsadeen.




Beegsiga Imaamyada masaajida ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo Jimcihii degmada Dharkiinkeey lagu dilay Khadhiibkii masjidja Dabaqeyn, waxaana dilkaasi geystay xubno Shabaab ka tirsan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada