Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray mareykanka kana qeyb galaya Shir

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray mareykanka kana qeyb galaya Shir

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Mareynkanka halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo ka dhacaya magaalada Washington.

Shirkan oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa looga hadli doonaa muhiimadda xiriirka Afrika iyo Mareykanka iyada oo la xoojinayo dhinacyada iskaashiga; dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, dowlad wanaagga, xuquuqul insaanka iyo isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ah madaxda  Afrika ee shirkan lagu casuumay ayaa jeedin doona khudbad ku saabsan  la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay ciribtirka la dagalanka Al-Shabaab, iyo dhinacyada kale ee dowladda Soomaaliya ay muhiimadda siineyso in ay iskaashi ka sameyso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu kulamo doceedyo la qaato Madaxda Afrika ee ka qeyb galeysa Shirka Mareykanka iyo Afrika.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada