Maxay Madaxda Afrika ka rajeynayaan shir madaxeedka Washington?

Maxay Madaxda Afrika ka rajeynayaan shir madaxeedka Washington?

daajis.com:- Maamul kasta oo cusub oo Mareykan ah wuxuu horumariyaa ahmiyad ku saabsan sida uu u fulin lahaa siyaasaddiisa Afrika. Waxyar kadib markii la dhaariyey, madaxweyne Joe Biden wuxu ku dhowaaqay “Amerika waa ay soo laabatay”, isaga oo tusmeynaya inuu la-maacmil dhow la yeelanayo bulshada caalamka, iyo ballan-qad cusub oo ku wajahan Afrika.

Siyaasad Afrika ay saldhig u tahay oo dhinacyo badan, waa sida falanqeeyayaasha siyaasadeed ay ku sifeeyaan istiraatiijiyadda Aqalka Cad ee ku wajahan Afrika. Istaraatiijiyada Mareykanka ee dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseysa, sida loogu yeero, waxay xoogga saaraysaa doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay ee horumarinta dhaqaalaha, caafimaadka, kaabayaasha, maaliyadda, tamarta nadiifka ah, isbedelka cimilada, iyo waxbarashada.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa istaraatiijiyadda cusub ku daah-furay Jaamacadda Pretoria ee Koonfur Afrika bishii Agoosto.

"Waxa aan raadineyno inta badan waa iskaashi dhab ah oo ka dhexeeya Mareykanka iyo Afrika, ma dooneyno xiriir aan dheelitirneyn ama macaamil ganacsi,” ayuu yiri Blinken.

Bob Wekesa waa ku-xigeenka agaasimaha Xarunta Afrika ee Daraasaadka Maraykanka, oo ka tirsan Jaamacadda Witwatersrand ee Johannesburg.

“Waxaan u maleynayaa inay tahay mid aad u firfircoon oo xiiso leh, waa inaan qiraa. Xiriirkooda qaaradda Afrika waa mid aad u firfircoon marka loo eego maamulkii Trump,” ayuu yiri Wekesa.


Caddaynta la-macaamilkan xooggan ee Qaaradda Afrika, waa shir-madaxeedka Mareykanka iyo Afrika ee la qorsheeyay inuu ka dhaco Washington, D.C, 13-ka illaa 15ka December, oo ay ka qeyb galayaan 49 hoggaamiyeyaal Afrikaan ah iyo Midowga Afrika. Laakiin maxay yihiin natiijooyinka ay Afrikaanku raadinayaan inay gaaraan?

Wekesa ayaa sheegay in dhaqaalaha uu noqon doono ajendaha ugu xooggan ee Afrikaanki la tagaan Washington.

“Afrikaanku waxay u badan tahay inay halkaas la yimaadaan ajande dhaqaale oo weyn. Afrika waxay u baahan tahay horumarin kaabayaal oo badan. Waa mid ka mid ah qaaradaha ugu isku xirka liita adduunka, xitaa marka laga hadlayo qadadka tareenada iyo dekedaha oo aan laga hadlin noocyada kale ee isgaarsiinta sida kaabayaasha digital-ka ah, macluumaadka iyo teknoolajiyadda isgaarsiinta,” ayuu yiri.

Shiinuhu waxa uu aad ugu firfircoonaa inuu hormuud ka noqdo mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dhaqaalaha ee dalal badan oo Afrikaan ah, taasina waxa ay kor u qaadaysaa su’aasha ku saabsan in Maraykanka uu si hufan ula tartami karo iyo in kale.

Balse Wekesa ayaa qaba in Mareykanka uu la tartami karo Shiinaha. “Maraykanku wuu tartami karaa, waxaana guuldarradiisa tartan ee wakhti xaadirka ay inta badan ahayd xeelad la'aan,” ayuu yiri.

Markan Maraykanka waxa uu damacsan yahay inuu kor u qaado wada-maalgelinta ganacsiyada gaarka ah, xagga tamarta, caafimaadka iyo isku xirka digital-ka.

“Marka dawladda Maraykanku ay ku lug yeelato xiriirka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika, waxay u ogolaataa ganacsiyadeeda gaarka ah inay hoggaamiyaan. Sidaa darteed, waxaan u maleynayaa in dowladda Mareykanka ay u badan tahay inay raacdo ajande ah in la helo jawi ku habboon ganacsiyada Mareykanka si ay ugu guuleystaan qaaradda Afrika,” ayuu yiri Wekesa.

Arrin kale oo ay Afrikaanku xiisaynayaan in dib looga wadahadlo ayaa ah sharciga kobaca iyo fursadaha Afrika ee uu billaabay maamulkii Bush 200-dii, balse markan madaxda Afrika ay doonayaan in miiska wada hadalka lasoo saaro.

“Afrikaanku waxay ku doodayaan in sharciga AGOA uu Congress-ka si iskiis ah u ansixiyay iyada oo aanay Afrikaanku ku lug lahayn doodda. Hannaan kasta oo cusub oo u dhexeeya Afrika iyo Mareykanka waa inay qeyb ka noqotaa danaha Afrika, gaar ahaan kuwa uu hoggaamiyo Midowga Afrika,” ayuu mar kale yiri Wekesa.

Falanqeeyayaasha iyo hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa soo dhawaynaya dadaalkan dib-u-macaamil ee u dhexeeya Maraykanka iyo qaaradda.

Warbixintan waxaa diyaarisay Zoe Leoudaki, oo VOA News uga soo warranta Washington.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada