Deg Deg:- Toogasho ka dhacday gudaha xerada Xalane iyo khasaare ka dhashay

Deg Deg:- Toogasho ka dhacday gudaha xerada Xalane iyo khasaare ka dhashay

daajis.com:-  Askari ka tirsan ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano SFC ayaa la sheegay in uu toogasho ka geystay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Askarigaan oo qeyb ah ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay saddex askari oo ay wada shaqaynayeen ka hor inta aan la xirin, sida ay xaqiijiyeen illo-wareedyo amni.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askarigaan uu fiidnimadii Isniintii isku dhaceen saaxiibkiis oo lagu magacaabi jiray Lance Corporal, islamarkaana ay toogashadu dhacday 5:45 subaxnimo.

“Markii uu ku soo laabanayay booskiisii, wuxuu la kulmay nin kale oo ay wada shaqaynayeen, wuuna toogtay. Askari kale oo u soo baxay inuu arko waxa dhacaya isagana waa toogtay,” ayuu yiri illo-wareedkan.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in askariga ay rasaasta ka dhammaatay, isla markaana askari kale oo ka ag dhawaa uu qabtay.

Falkaan oo ka dhacay afafka hore ee saldhiga Xalane ee taliska ATMIS ayaa waxa sidoo kale xaqiijiyay Afhayeenka ciidamada difaaca dalka Uganda, UPDF Brig Gen Felix Kulaigye oo markii hore ka gaabsaday.

Kulaigye ayaa marnabaka hadlin dadka la dilay, balse waxa uu sheegay oo kaliya in illaahadda aan la xaqiijin sababta ka dambeysay toogashada, ayna socdaan baaritaano hordhac ah.


Askariga toogashada ka geystay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa marka ay soo dhamaato baaristiisa in la maxkamadeyn doono.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada