Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Wakiilka Midowga Afrika oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Wakiilka Midowga Afrika oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

daajis.com:- Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud Hirshabeelle gaar ahaan howlgallada ka socda deegaanada Hirshabeelle ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo dadka deegaanka oo is garabsanaya ay kasoo hoyeen guulo is dabajoog ah.

Madaxweynaha ayaa danjire Mohamed Souef ka gudoomay dhambaal tacsi ah kadib qarixii shalay ay Al-Shabaab ka geysteen degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan waxa uuna dhanka kale kaga mahadceliyay taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn kulankaan ayaa looga hadlay xoojinta  doorka Midowga Afrika ee dardargalinta howlgallada ka dhanka ah Shabaab, taageerada horumarineed iyo Nabadeynta deegaanada Hirshabeelle.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada