Muxuu yahay tababarka ciidamada Ukraine lagu siinayo gudaha Maraykanka?

Muxuu yahay tababarka ciidamada Ukraine lagu siinayo gudaha Maraykanka?

daajis.com:- Wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa xaqiijisay in ciidamada Maraykanku ay dhamaadka bishan bilaabi doonaan tababar gaara oo ay gudaha Maraykanka ku siinayaan ciidamada Ukraine, iyaga oo ku tababaraya adeegsiga gantaallada difaaca hawada ee Patriot. Tababarkan ayaa ka dhacaya Fort Sill oo ku taalla Oklahoma.

Warka la xidhiidha arrintan ayay Talaadadii baahiyeen VOA iyo qaybo kale oo ka mida warbaahintu.

Xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka Brigadier General Pat Ryder ayaa ku dhawaaqay salaasadii in tababarka ka dhacaya Oklahoma inuu u bilaabmi doono sida ugu dhakhsaha badan toddobaadka soo socda.

"Tababarku wuxuu diyaarin doonaa qiyaastii 90 ilaa 100 askari oo u dhashay dalka Ukraine si ay ugu shaqeeyaan [gantaallada difaaca], u ilaaliyaan una joogteeyaan nidaamka difaaca iyaga oo qaadan doona koorsada tababarka ee la filayo inay socoto dhowr bilood," ayuu yidhi Ryder, isagoo raaciyay in nidaamka difaaca ee Patriot uu siin doono Ukraine awood kale oo ay dadkeeda kaga difaacdo weerarada dhinaca cirka ee uga imanaya Ruushka.

Fort Sill ayaa ah dugsiga tababarka madaafiicda ee ciidamada Maraykanka.

Ryder ayaa sheegay in Maraykanku uu raadin doono habab lagu "dardar geliyo waqtiga tababarka" si dadka reer Ukraine ay ugu soo laabtaan goobta dagaalka sida ugu dhakhsaha badan.


Toddobaadkii hore, Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqday inay 50 baabuurta dagaalka ee Bradley u diri doonto Ukraine, taasoo qayb ka ah wareeg cusub oo ah gargaar militari ah oo la siinayo Kyiv si ay uga caawiyaan ciidamada Ukraine inay la dagaalamaan duulaanka Ruushka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada