Putin oo xilkii ka qaaday taliyihii ciidamdda Ruushka ee Ukraine

Putin oo xilkii ka qaaday taliyihii ciidamdda Ruushka ee Ukraine

daajis.com:- Madaxweyne Vladimir Putin ayaa xilkii ka xayuubiyay taliyihii ugu sareeyay ciidamada Ruushka ee dalka Ukraine saddex bilood uun kadib markii xilkaas loo agacaabay .

Taliyaha guud ee ciidamada General Valery Gerasimov ayaa hadda hoggaamin doona waxa uu Mr Putin ku tilmaamay “howlgal milatari oo gaar ah”.

Gen Gerasimov ayaa bedelay Sergei Surovikin kaas oo kormeeray weeraradii arxan darada ahaa ee dhawaan lagu qaaday kaabayaasha tamarta ee Ukraine.

Related Posts
Isku shaandhayntan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Ruushku uu sheegay in ay horumar ka samaynayaan bariga Ukraine ka dib markii ay bilihii la soo dhaafay la kulmeen guuldarooyin is daba joog ah oo militari.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in go’aanka lagu beddelay Gen Surovikin looga golleeyahay in la abaabulo “xiriir dhow oo dhexmara qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida iyo horumarinta tayada iyo waxtarka maamulka ciidamada Ruushka”.

Balse tallaabadan ayaa dadka qaar ay u arkeen inay muujineyso inuu awood badan yeeshay.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada