Ciidamadda PSF ee Puntland oo lagu arkay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug

Ciidamadda PSF ee Puntland oo lagu arkay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug

daajis.com:- Ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee PSF oo ay leedahay Puntland ayaa ku biiray gulufka dagaal ee la doonayo Shabaab in looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Koofurta gobolka Mudug oo ay Galmudug ka arrimiso.

Wararka la helayo waxey sheegayaan in cutubyo ka tirsan ciidankan oo si aad ah u hubeysa watanna gaadiidka dagaalka lagu arkay degmada Hobyo, halkaaasoo abaabul dagaal oo ka dhan ah Shabaab uu ka socdo.

Saraakiisha horboodeysa ciidankan ayaa laga soo xigtay iney kaalin ka qaadanayaan sidii gobolka Mudug looga xoreyn lahaa Shabaab oo deegaano dhowr ah ay kaga sugan yihiin.

Galmudug ayaa la sheegay iney maamulma gobolka Mudug ee Puntland ka dalbatay iney kaalin ka ciyaarto ciribtirka Shabaab, si nabad gelyada gobolkaasi loosoo celiyo.


Gobolka Mudug ayaa labo u kala qeybsan, Koofurta waxaa ka arrimisa Galmudug, halka Waqooyigana ay heysato Puntland, iyadoo labada maamul ay iska kaashadaan sugida amniga iyo ciribtirka Shabaab oo caqabadooda ugu weyn ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada