R/W Xamza oo shaaca ka qaaday inuu saddex arrin sameynayo sanadkan

R/W Xamza oo shaaca ka qaaday inuu saddex arrin sameynayo sanadkan

daajis.com:- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta waddanka Masar ayaa kulan gaar ah la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi, isaga oo kala hadlay xaaladda dalka.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sheegay in weli dalka ay ka jiraan caqabado fara badan, isla-markaana ay soo laa laabtaan is qab-qabsiyada siyaasadeed iyo midka maamul ee dalka.

“Marka kasta oo aad dhaqaaqdo Soomaaliya, wax ku jiida oo lugta kugu dhega oo marba maro kaa jeexa oo meel ka qayliya lama waynaayo” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa DanQaran ay sanadkan 2023-ka qaadi doonto saddex tallaabo waa weyn, sida dagaalka Al-Shabaab, dhammeystirka barnaamijka Deyn Cafinta & Dastuurka oo hadba meel lasoo gaarsiinayey sanadihii dambe.

1-SHABAAB

Ra’iisul wasaaraha Xamza ayaa sheegay in qorshaha koowaad ee dowladda federaalka uu yahay xoreynta dalka, wuxuuna wacad ku maray in Shabaab sanadkan lasoo afjari doono.

“Waxaan sameyneynaa dib u xoreynta sanadkan waxaa la rabaa in Shabaab laga waayo Soomaaliya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

2-DEYN

Isaga oo ka hadlayey arrimaha deyn cafinta ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay sanado badan lasoo rafaneysay deymo lagu leeyahay, balse waxa uu tilmaamay in bisha 9-aad ee Septembar ee sanadkan cusub ee 2023-ka, la soo gabagebeynta deyn cafinta.

“Bisha Septembar ee sanadkan waxaan rajeyneynaa in ay naga roganto oo nalaga cafiyo deynta, haddii uu Ilaah yiraado” ayuu markale yiri ra’iisul wasaaruhu.

3-DASTUURKA

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayey magaalada Qaahira ayaa ugu dambeyn soo hadal qaaday arrimaha Dastuurka, wuxuuna sheegay dalka uu ka jiro jah-wareer xoogan oo ku aadan xagga maamulka, maadaama marar badan la’is qabtay.

Xamza ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadda ay ku dadaali doonto in laga shaqeeyo sanadkan sidii loo dhammeystiri lahaa Dastuurka dalka, si meesha looga saaro khilaafaadka marar badan soo laa laa laabtay ee u dhexeeya madaxda Soomaaliyeed.

“Waa inaan Dastuurka dhameystirnaa. Dalkan haddii aanan Dastuurkiisa la dhammeystirin dowladda Soomaaliya say ku shaqeyo way adag tahay.” ayuu ku soo gabagabeeyay.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada