Imran Khan oo ka digay 'dagaal ka dhex qaraxa' Pakistan iyo Taalibaan

Imran Khan oo ka digay 'dagaal ka dhex qaraxa' Pakistan iyo Taalibaan

daajis.com:- Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa Talaadadii u ololeeyay xiriir iskaashi oo laba geesood ah oo lala yeesho taliska Taliban ee Afghanistan, isaga oo ka digay xiisadaha labada dhinac ee la dagaallanka argagixisada inay Pakistan ku noqon karaan "dagaal musiibo ah oo daba dheeraada."

Khan ayaa ka hadlay dood-cilmiyeed ka dhacday caasimadda Islamabad, iyadoo mowjado cusub oo argagixisannimo ay kusoo wajahan yihiin Pakistan, gaar ahaan degmooyinka waqooyi-galbeed ee ku dhow xudduudka Afghanistan, halkaas oo ay ku dileen boqollaal ka tirsan ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah.

Inta badan rabshadaha waxaa lagu eedeeyaa ama sheegta xagjiriinta xiriir la leh kooxda falaagada ah ee Tehrik-i-Taliban Pakistan (TTP), oo loo yaqaan Talibanka Pakistan.

Maleeshiyadan oo ay ku jiraan hoggaanka TTP ayaa gabbaad ka dhigtey dalka Afghanistan kadib markii ay kasoo carareen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee Pakistan, waxaana ay halkaasi ka fuliyeen weerarro argagixiso.

Khan ayaa ku eedeeyay xukuumadda isaga bedeshay ee Ra'iisul Wasaare Shehbaz Sharif, inay soo saartay "hadal khatar ah oo mas'uuliyad darro ah oo ka dhan ah mas'uuliyiinta Taliban ee Afghanistan" taasoo keentay culeys xagga xiriirka laba geesoodka ah, halkii ay ka raadin lahaayeen iskaashi si loola dagaallamo khatarta argagixisada ee TTP.

"Haddii dowladda Afghanistan ay joojiso wadashaqeynta ay nala leedahay ama aad kharribto xiriirka kaala dhexeeya, markaas dagaalkan lagula jiro argagixisada ee Pakistan wuxuu noqonayaa mid aan dhammaad lahayn oo wuxuu noo noqonayaa masiibo weyn," ayuu yiri ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada