Ciidamada Mareykanka oo markab hub ah ku qabatay gacanka Cummaan

Ciidamada Mareykanka oo markab hub ah ku qabatay gacanka Cummaan

daajis.com:- Ciidamada Badda Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 2,100 oo qori oo ah kuwa darandoorriga u dhaca markab marayay gacanka Cummaan oo ay rumeysan yihiin in uu ka yimid Iran una socday Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda Talaadadii.

Waxay ahayd qabashadii ugu dambeysay ee hub la sheegay in uu ku socday dalka ugu saboolsan dunida Carabta, waxaana qabtay ciidamada ilaalada xeebaha ee USS Chinook.

Timothy Hawkins, oo ah afhayeenka kooxda shanaad ee ciidamada badda ee Bariga Dhexe ayaa sheegay inay qabtay qoryahan oo ahaa nooca Kalashnikov ah oo midmid lagu soo duubay koollo cagaaran.

Khubarada baarayay sawirro ay baahiyeen ciidamada badda ayaa markii dambe sheegay in hubkan uu u muuqday qoryaha T-56 ee Shiinaha lagu sameeyo iyo Molot AKS20Us oo Ruushku sameeyay.

"Markii aynnu qabanay markabka, waxa uu ku socday waddo taariikhiyan loo isticmaali jiray in lagu soo raro shixnadaha sharci darrada ah ee Xuutiyiinta Yemen," ayuu Hawkins u sheegay Associated Press.

Cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ayaa mamnuucday in hubka lagu wareejiyo Xuutiyiinta tan iyo 2014-kii, markaasoo uu qarxay dagaalka sokeeye ee Yeme

AP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada