Al-Shabaab oo shaacisay inay dishay ninkii daroogada ka gedi jiray dhallinta Muqdisho

Al-Shabaab oo shaacisay inay dishay ninkii daroogada ka gedi jiray dhallinta Muqdisho

daajis.com: - Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay maleeshiyaadkeedu ku dileen mid kamid ah horjoogayaashii ciyaal-weerada.

Dilkan ayaa xalay ka dhacay deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim, waxaan ninkan la dilay lagu magacaabi jiray Cabdiqaadir Carab. Kooxda ayaa sheegtay in ninkaan uu ka ganacsan jiray waxyaabaha maanka dooriya.

Sida ay baahisay warbaahinta kooxda, ninkan ayaa waxa uu dhalinyarada magaalada Muqdisho ka gadi jiray taanbuuga iyo xashiishka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dilka Carab uu bilow u yahay howl-galo ay maleeshiyaadka kooxda ku beegsanayaan ciyaal weerada, islamarkaana uga sifeynaya caasimada dalka oo ay ku hayaan dhib badan, sida ay sheegtay.

Dhawaan ayay aheyd markii uu Afhayeenka howl-gallada kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab uu dhawaaqay howl-gal uu sheegay in maleeshiyaadka kooxda ay ka billaabi doonaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Abuu Muscab ayaa waxa uu xilligaasi sheegay in kooxda ay magaalada Muqdisho ka fulin doonto howl-gallo ay ku baacsaneyso kooxaha ciyaal weerada iyo kuwa ka ganacsada daroogada noocyadeeda kala duwan.

Waxa uu sheegay in arrintaan ay daba socoto kadib cabashooyin badan oo uu sheegay in dadka Muqdisho u gudbiyeen kooxda, kuwaasi oo la xiriira halista ay kooxahaasi ku hayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Kooxda ciyaal-weerada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa habeen hore wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Fiidow ku dilay xaafadda Siliga ee Towfiiq oo ka tirsan degmada Yaaqshiid.


Ciyaal-weerada ayaa haatan u muuqda inay markale kusoo laba kacleeyeen magaalada Muqdisho, waxaana dhibaatooyinka ugu badan hadda laga soo warinayaa waqooyiga caasimada.

Si kastaba, dhibaatooyinkan ayaa ah kuwa ku soo noq-noqday caasimada, ayada ciidamada ammaanka oo wada howl-gallo culus ay u maara la’yihiin wax ka qabashada amniga iyo ciyaal-weerada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada