Howlgalka ATMIS oo ku dhawaaqay inay qeyb ka noqonayaan howlgalllada ka dhanka ah Al-Shabaab

Howlgalka ATMIS oo ku dhawaaqay inay qeyb ka noqonayaan howlgalllada ka dhanka ah Al-Shabaab

daajis.com:- Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa hambalyo diirran u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan. .

Danjiraha ayaa ku booriyay dadka muslimiinta ah in ay u duceeyaan dalka inta lagu jiro bisha barakeysan si uu uga gudbo caqabadaha hortaagan loona xaqiijiyo in nabad iyo xasilooni la gaaro.

“Inta lagu jiro bisha barakeysan iyo xitaa ka dib, waa in aan dadaalno oo aan si dhow ula shaqeyno kuwa madaxda ah si aan u dhisno Soomaaliya ammaan ah, barwaaqo ah. Waxaan abaal ku leenahay jiilalka hadda jira iyo kuwa soo socda,” ayuu yiri Danjire Souef.

ATMIS waxay mar kale ku celinaysaa in Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), uu sii wadi doono inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee wanaagsan dagaalka lagula jiro argagixisada iyo kooxaha kale ee hubaysan ee mucaaradka ah oo in muddo ah u diiday dalka nabadda oo ay dad badani u ooman yihiin.


Warkaan kasoo yeeray Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa kusoo aadaya xilli Ciidamada ATMIS aysan qeyb ka aheyn howlgalladii ugu dambeeyay oo ay Ciidamada dowladda & kuwa degaanka kula wareegeen degaano dhowr ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada