Mareykanka iyo Canada oo gaaray heshiis ka dhan ah dadka soo galootiga ah

Mareykanka iyo Canada oo gaaray heshiis ka dhan ah dadka soo galootiga ah

daajis.com:- Dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa gaaray heshiis ay kaga hortagayaan dadka magangelyo doonka ah ee ka taallabayo xuduudaha aan rasmig aheyn ee dalalkaas, kuwaasoo muddooyinkii ugu dambeeyay ku qulqulayay xuduudda Mareykanka iyo Canada, sida ay sheegeen saraakiisha.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqi doona heshiiska Maanta xilli Biden uu booqasho ku tagay Canada.

Heshiiska ayaa la filayaa inuu u ogolaado saraakiisha labada dhinac ee ku sugan xuduudka inay dib u celiyaan dadka magangalyo-doonka ah ee u socda Mareykanka iyo Canada.

Dhinaca kale, Maraykanka waxaa sare u kacday tirada dadka soo galootiga ah ee kasoo tallaabaya dhinaca Canada.


Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaddidayo qulqulka muhaajiriinta ee kasoo gudbeysa Waddada Roxham, oo ah waddo aan sharci aheyn oo ay dadka maraan taasoo isku xirta gobolka New York iyo gobolka Quebec ee Canada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada