Saraakiil Itoobiyaan ah oo ciidan badan wata oo soo galay magaalada Beledweyn

Saraakiil Itoobiyaan ah oo ciidan badan wata oo soo galay magaalada Beledweyn

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa wafdi sare oo ka socday dowladda Itoobiya, kuwaasoo gobolka Hiiraan u tagay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Shabaab.

Wafdigan waxaa hoggaaminayay General Tesfaye iyo General Xaaji, waxeyna sheegeen inuu socdaalkooda daaran yahay sidii Shabaab looga sifeyn lahaa xadka ay la wadaagaan Soomaaliya, iyagoo kooxda u arka caqabada ugu weyn ee dhanka amaanka ah oo ay qabaan.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida Aadan Axmed Sooyaan iyo mas’uuliyiin kale ayaa qeyb ka ah wafdiga saraakiisha ah, kuwaas oo shirar kula leh halkaas mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Waxaa la filayaa iney dhawaan xadka kasoo talaabiyaan ciidan Itoobiyaan ah oo aan ATMIS qeyb ka eheyn, waxeyna toos ugu biiri doonaan howlgalka Shabaab lagu doonayo in looga saaro Galbeed Hiiraan oo kooxdaasi wali ay ku xoogan tahay.

Si kastaba, Itoobiya ayaa fulisay balanqaadkii ahaa in ciidamo ka socda dalalka Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti la keeno Soomaaliya, kuwaasoo ka madax banaan howlgalka midowga afrika, waxeyna toos ugu biiri doonaan howlgalka lagu xoreynayo deegaanada yar ee Shabaab wali ku harsan yihiin.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada