Dagaal ka dhacay Magaalada Laas-Caanood & Somaliland oo ka hadashay

Dagaal ka dhacay Magaalada Laas-Caanood & Somaliland oo ka hadashay

daajis.com:- Dagaal xoogan ayaa Maanta markale waxaa uu ka dhacay duleedka magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Somaliland oo dhaq dhaqaaqyo ka waday duleedka Bari ee Magaalada Laas-Caanood ay is heleen kuwa degaanka ee SSC, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Ciidamada Somaliland fariisimaha qaar ay isaga baxeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka oo markii hore ka billaawday dhinaca bari ee Magaalada Laas-Caanood uu ku fiday degaano kale, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Somaliland oo looga hadlay dagaalka ayaa waxaa lagu yiri” Ciidanka Somaliland, ayaa fashiliyey isku day weerar oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada ah iyo huwanta kale ee uu hoggaamiyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dagaalka maanta waxa uu Ciidanka Qaranku ka soo hooyay guullo waawayn.

“ Somaliland waxay mar kasta ilaalinaysaa xabbad joojintii ay hore ugu dhawaaqday,  Ciidanka  Somaliland wuxuu mar kasta ka dhawrsanayaa dhibaato soo gaarta Magaalada Laascaanood, isaga oo dhaaddan xurmada bisha barkaysan ee Rabadaan, wuxuu hadana cid walba xasuusinayaa inuu u taagan yahay ilaalinta dadka iyo  dhulka Soomaaliland.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada