Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

daajis.com:- Isxaaq Macalin Aadan oo magaca Al-Shabaab looga yaqaano uu yahay (Isxaaq Calooley) ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 60aad ee ka howlgasha degaannada Koonfur Galbeed.

Isxaaq ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa jabhadda weerarada fulisa, isaga oo ka qeyb qaatey dagaalo ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolada Baay, Gedo iyo Shabeellaha dhaxe oo ka kala tirsan Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Isaaq oo Warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in sababta ku kaliftey in Al-Shabaab isaga soo baxo ay tahay Dhibaatada ay u geysaneyaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dhibaatooyin dhexdooda kajira.

Isxaaq ayaa baaq u direy Saaxibadiisa kale ee ku jira Al-Shabaab, isaga oo ka dalbaday inay isaga soo baxaan iskuna soo dhiibaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya si ay dadkooda uga mid noqdaan.


Dhowr jeer ayaa taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka waxaa isku soo dhiibay Xubno iyo Saraakiil katirsanaa Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu soo bandhigay Magaalooyinka kala duwan ee Maamulka Koonfur Galbeed.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada