Nin fal Layaab leh u sameeyay si ay ugu soo noqoto Gacalisadiisa ay kala hareen !

Nin fal Layaab leh u sameeyay si ay ugu soo noqoto Gacalisadiisa ay kala hareen !

daajis.com:- Nin u dhashay Shiinaha oo ku nool gobalka Sichuan ayaa lagu soo warramayaa inuu jilbaha dhulka dhigtay muddo 21 saacadood oo xiriir ah si uu jaceylkiisa hore uga dhaadhiciyo inay dib u midoobaan.

Dhibanahan jaceyl ayaa qabsaday hadalheynta baraha Shiinaha kadib markii jilba-jabsigii uu bilaabay saacaddu markay ahayd 1 pm March 28 uu ka kacay 10 am maalintii xigtay. Wuxuu u gegsaday dhaxanta iyo qabowga iyo eegmada ballaaran ee dadweynuhu kusoo dhuganayeen. Muggii hore, cidna ma siinin tixgelin ninkan oo la jilba-dhigtay rucub ubaxyo ah laakiin in yar kadib waxaa hareerihiisa ka abuurmay saxmad iyo buuq ka dhashay dadweynihii iskugu soo xoomay agagaarkiisa.

“War qoftu kumaba rabtee maxaad iskugu daalinaysa jilba-jabsi,” ayuu ku yiri mid kamid ah dadkii goobjoogga ahaa.

Laakiin ninkan ayaa lagu soo warramay inuusan dheg jalaq u siinin hadalladii kaga imaanayay dadweynaha ee ku aadanaa jilba-dhigashadiisa.

Wuxuu yiri ‘saaxiibtay waxaan kala harnay toddobaad kahor waxaana rabaa inan dib u midowno’” ayuu u sheegay warbaahinta mid kamid ah saraakiisha amniga.

“Ma dambi baa inaan jilba-dhigto? — haddii aysan ahayn, fadlan iga joojiya hadaltirada,” ayuu ku yiri dadweynaha.

21 saac kaddib ayuu isaga tagay goobta markii uu u gegsan waayay qabowga daran.



“Maxaad naftaada u bahdilaysaa? Ha baxdee iska dhaaf,” ayuu usoo qoray mid kamid ah aragti dhiibtayaasha.

“Muuqaalkan ayaan ka fahmay sababta ay saaxiibtaa kaaga tagtay!” ayuu usii raaciyay mid ka






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada