Ciidamo gadoodsan oo xirtay bar-kontarool oo ku yaal Garoowe

Ciidamo gadoodsan oo xirtay bar-kontarool oo ku yaal Garoowe

daajis.com:-  Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa xirtay bar-kontarool oo ku yaalla waqooyiga magaalada Garoowe.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, taasi oo keentay inay xirtaan kontaroolka bari ee magaalada Garowe.

Kontaroolkan ay xirteen ciidamada gadoodsan ayaa muhiim u ah isku socodka dadka iyo gawaarida xamuulka, waxaana gebi ahaanba joogsaday isku socodka gaadiidka ku safra waddadaasi laamiga ah oo isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Boosaso.

Ciidankan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa waxay ku eedeyeen madaxweynaha maamulka ee Saciid Deni inuu mushaarkii ciidamada Puntland ku galay ololaha doorashada, xilli uu maamulkaasi ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed xoogan oo ka dhashay arrimaha doorashooyinka,

Arrintan ayaa kusoo aadeysa ayada oo madaxweyne Deni uu ku sugan yahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaasi oo uu ka wado ololaha siyaasadeed ee ururkiisa Kaah, kaasi oo taageero loogu raadinayo doorashooyinka uu qeybta ka yhay ee doorashooyinka qof iyo cod ah.

Horraantii bishaan ayay aheyd markii ay ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa xirtay bar-kontarool oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ciidamadaas ayaa sidoo kale waxay ka gadoodsanayaan mushaar la’aan, iyaga oo sheegay in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah, oo ay xuquuqdooda kaga maqan maamulka Puntland, sida ay sheegeen.


Ma ahan markii u horeysay ee ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay xirtaan baro kontarool, balse waa arrin dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uga dhacday magaalooyinka Puntland.

Si kastaba, Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeyso uga imaanaya bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kadib markii lagu eedeeyay in xukuumadda ay ku mashquushay meel-marinta damaca hoggaanka sare ee maamulkaasi.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada