Daawo: Xamza oo $10,000 guddoon siiyay HOOYO sameysay arrin geesinimo leh

Daawo: Xamza oo $10,000 guddoon siiyay HOOYO sameysay arrin geesinimo leh

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa guddoonsiiyay abaalmarin lacageed oo gaareysa toban kun oo dollar ($10,000) Hooyo Soomaaliyeed oo sameysay ficil geesinimo leh oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Hooyo Farxiyo ayaa waxay abaalmarintan ku muteysatay kadib markii ay diiday xubno Shabaab ah inay gurigeeda ka dhigtaan marin ay usii dhex-maraan bar-kontarool oo ku yaalla degmada Kaxda, islamarkaana ay waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah qoyskeeda diidmada ay kala hortagtay Shabaab-ka.

“Waad ku mahadsan yihiin Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha illaa Xildhibaanada oo waalidkeyga iyo walaaladay ah, wixii isoo gaadhay ayaa maanta la iga maydhay, waa u mahad-celinayaa.” ayay tiri.

Waxay intaas kusii dartay “Waxaa si gaar ah ugu mahad-celinaya guddoomiyaha Kaxda oo qofka anaga oo dhaawaceena guriga iska dhex yaalla nasoo qaaday oo gaari noo keenay, ee isbitaalka na geeyay.”

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa abaalmarintan oo aheyd mid dhiiri-gelin ah ku guddoonsiiyay hooyada qoska gurigooda u diiday Shabaab-ka munaasabad mka dhacday degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.


Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu amray in loo dayac-tiro gurigii ay ku noolayeen oo burbur uu kasoo gaaray diidmadii ay kala hortimid xubnaha Shabaab-ka ee xilligaasi rabay inay bambaano ku weeraraan ciidamada ku sugan isgoys ciidamadu ku sugan yihiin oo ka fogeyn gurigaasi.

“Waxaa sidaas oo kale uu ra’iisul wasaaraha amray in la daaweeyo dadka dhaawacyada ah oo masuuliyada daawadooda ay xukuumadda ay qaadatay, aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay Maamo Farxiyo,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Hoos ka daawo muuqaalka






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada