Mas’uul gaadiid kala soo goostay Somaliland oo ku biiray SSC

Mas’uul gaadiid kala soo goostay Somaliland oo ku biiray SSC

daajis.com:-  Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in Daahir Maxamed Axmed oo kamid ahaa mas’uuliyiinta gobolkaasi ugu magacaaban Somaliland uu kasoo goostay, isla-markaana uu ku biiray SSC-Khaatumo.

Daahir ayaa haatan ahaa madaxa waxbarashada gobolka Sool ee Somaliland, wuxuuna ku dhawaaqay in gebi ahaan uu iska casilay xilkaas, kana baxay Somaliland.

Ninkan ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu lasoo goostay gaadiid dagaal oo ay lahayd Somaliland, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha magaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inuu ka qaybgeli doono halgalka, isla-markaana uu ku biiri doono dagaalka ka socda Laascaanood.

“Gobolkaygii ayaan kusoo laabtay, waad ku mahadsantihiin sida quruxda badan ee aad isoo dhawayseen, waxa anan ka qayb qaadan doonaa halganka dalka lagu xoraynayo inshallah,” ayuu yiri Daahir Maxamed Axmed.


Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan arrinta mas’uulkaas uga goostay dhanka SSC oo dagaal kula jirta maamulkaasi.

Ma’aha mas’uulkii ugu horreeyay ee ku biira SSC, waxaana tan markii uu dagaalka ka qarxay magaalada Laascaanood jiray shaqsiyaad isaga soo baxay Somaliland oo ku biiray kacdoonka iyo dagaalka looga soo horjeedo Soomaaliya ee weli ka socda xarunta Sool..

Xaaladda Laascaanood ayaa weli kacsan, waxaana maanta la sheegay in ciidanka Somaliland ay madaafiic ku garaaceen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal kooban oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Sool ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka Laascaanood.

Si kastaba, waxaa horay u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisaddaasi, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada