Puntland oo si lama filaan ah uga jawaabtay dalabka Xamze ee deyn cafinta

Puntland oo si lama filaan ah uga jawaabtay dalabka Xamze ee deyn cafinta

daajis.com:- Maamulka Puntland ayaa Jawaab lama filaan ah ka bixisay dalab maamulkaasi xalay uu u jeediyay ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, kaasoo ahaa iney caqabad ku tahay in dalka Soomaaliyeed iyo qarankaba laga cafiyo shan bilyan dollar lacag dhan.

Wasiirka Qorsheynta Puntland Maxamed Siciid Faroole ayaa sheegay in maamulkooda waxba ka galin lacagaha deyn ahaanta dalka loogu leeyahay, wuxuuna shaki ka muujiyay wax uu ku sifeeyay damaca dowladda ee lunsashada lacago balaayiin doolar ah, sida uu hadalka u dhigay.


“Puntland deyn laguma leh, dekeda Boosaaso & Laamiga midna deyn laguma dhisin, waa Deeq Talyaaniga, Dawladda Xassan Sheekh deyntii hore $5Bilyan-ka ah Mashaariicda lagu fuliyo wey Bililiqeysteen, $200 Bilyan oo magaceena lagu qaato yeeli mayno, uma saxiixayno mana aqbalayno cidnaba” ayuu yiri wasiirka.

Si kastaba, muranka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa marba marka kasii danbeysa cirka sii galaya, xiisada ayaa kasii dartay markii Jimcihii hore madaxweyne Xasan weerar afka ah ku qaaday damaca Deni ee mudo kororsiga xil heynta.


Lama oga in dagaalkan warbaahinta labada dhinac isu marinayaan sida uu u saameynayo shirka bartamaha sanadkan ee golaha wadatashiga qaran, kaasoo beesha caalamka dalbatay in laga soo qeyb galiyo Puntland, maadaama ay ka maqneyd shirkii u danbeeyay ee Baydhabo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada