Istaahil: Waxaa nala dhihi jiray haddaad gudniin ka hadasho ma jirto nin ku guursanaya

Istaahil: Waxaa nala dhihi jiray haddaad gudniin ka hadasho ma jirto nin ku guursanaya

daajis.com:- Istaahil Cabdullaahi oo ka mid ah gabdhihii xulka Qaranka kubadda koleyga Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay hormuud u tahay olole ku saabsan ka hortagga gudniinka gabdhaha. 

Istaahil oo ku sugan dalka Netherland, waxey nasiib darro ku tilmaantay in weli wacyiga bulshadu uusan u bisleyn in fagaarayaasha lagaga doodo dhibaatada caafimaad ee ku imaaneysa gabadhaha la gudo. 

“Gudniinka waxaan u aragnay wax aan laga hadlin, oo haddii aan ka hadalno wuxuu noqday muwduuc [Taboo] ah. Qofkii ka hadlana waxaa la leeyahay waxaasi waa sheeko dumar” Ayeey tiri Istaahil oo wareysi siisay Somali Nederland TV [Youtube]. 

Istaahil mar ay ka hadleysay doorka aabayaashu ka qaadan karaan joojinta gudniinka gabdhaha waxay tiri: 

“Waan jeclaan lahaa inaan ogaado in raggu ay mowduucaan isku soo qaadaan, waxaan rabi lahaa inaan ragga weydiiyo haddeey gabar ku tiraah; xanuun ayaa I haya maxaad sameynee.?”    








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada