DEG DEG: DF oo shaacisay in la laayay Al-Shabab badan, lana burburiyay saanad ciidan

DEG DEG: DF oo shaacisay in la laayay Al-Shabab badan, lana burburiyay saanad ciidan

daajis.com:- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in maanta howl-gal qorshaysan lagu laayay in ka badan 30 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, laguna bur-buriyay gaadiid waday saanad ciidan.

Howl-galkan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah oo isugu jiray cirka iyo dhulka ayaa laga sameeyay ilaa iyo afar deegaan oo hoostaga degmada Kuntuwaaray ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in saanad ciidan ee la burburiyay ay qeyb ka ahaayeen qoryo culus oo ah kuwa dagaalka ee duqaymaha loo isticmaalo.

Howl-galkan ayaa waxa uu daba socday weerar “naf la-caarinimo ah” oo ay saaka kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidanka ATMIS ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu yiri bayaankan.

Bayaankan ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Uruurinta xogta howlgalkaan oo wali socota awgeed, waxaan dib ka soo gudbin doonaa faah-faahinka howlgalka oo dhamaytiran.”

Howl-galkan ayaa imanaya kadib weerarkii saaka waaberigii ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidanka ATMIS ee magaalada Buulo Mareer, kaasi oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hanti.


ATMIS aya dhankeeda sheegtay in hadda xaalada la dajiyey, islamarkaana ay hadda hawluhu ay sidii caadiga ahaa ku soo laabteen, taasi oo ka dhigan in saldhiga ay gacanta ku hayaan ciidamada ATMIS.

Si kastaba, Weerarkan ayaa imanaya xilli dhawaan la qorsheynayo in uu si rasmi ah u billowdo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada