Sheekh Muslim ah oo lagu waayay kiis kufsi ah oo ay ku eedeesay Haweeney soo Islaamtay

Sheekh Muslim ah oo lagu waayay kiis kufsi ah oo ay ku eedeesay Haweeney soo Islaamtay

daajis.com:- Maxkamad kutaalla ku taal dalka Switzerland ayaa kiis isugu jiray kufsi iyo jirdil ku weysay caalimka caanka ah Tariq Ramadan, oo sidoo kale ah Barfasoorka Jaamacado ka dhiga duruusta Islaamka.

Haweeney soo islaamtay oo u dhalatay dalka Swizerland ayaa ku eedeesay Sheekh Tariq Ramadaan in kufsi iyo galmo qasab ah kula kacay sannadkii 2008-dii , xilli ay ku sugnaayeen hotel kuyaalla magaalada Geneva.

Waxa ay sheegtay haweeneydan oo kamid aheyd taageerayaasha wadaadka in uu kula kacay kufsi, garaacid iyo handadaad, waxa ayna dacwad ka dhan ah wadaadka u gudbisay maxkamad .

Sheekh Tariq Ramadaan ayaa qirtay in uu la kulmay haweeneydan, balse waxa uu beeniyay in uu kufsaday, waxa uuna ka bad baaday xukun xabsi  saddex sanno, waxaana waddaadkan awoow u ah Sheekh Xasan Al-Bannaa oo ah aasaasihii Ikhwaanul Muslimiinkii Masar.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada