Deni oo sheegay in aysan jirin cid hor-istaagi karta qabashada doorashooyinka qofka iyo codka

Deni oo sheegay in aysan jirin cid hor-istaagi karta qabashada doorashooyinka qofka iyo codka

daajis.com:- Iyada oo weli khilaaf uu ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka ee qof iyo cod ee degaannada dowlad Goboleedka Puntland ayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu sheegay in doorashooyinka waqtigii loogu talo galay ay ku dhici doonaan.

Madaxweyne Saciid Deni oo booqasho ku maraya degaano katirsan Gobolka Bari ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay xilligaan ku tallaabsatay horumar ballaaraan, isla markaana muddo 50 sano kadib ay qabsan doonto dooashooyin qof iyo cod ah.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu hadalkiisa u intaasi kudaray in Puntland ay qabsan doonto doorashooyinka qofka iyo codka ah, ayna jiri doonin cid hor-isstaagi karta.

Doorashooyinka qofka iyo codka ayaa loo ballansan yahay in 25-ka Bishaan ay ka billaawdaan degaannada Puntland, hayeeshee waxaa siwyen doorashooyinka uga soo horjeeda siyaasiyinta mucaaradka Puntland.









_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada