Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad oo gaaray Sacuudi Carabiya

Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad oo gaaray Sacuudi Carabiya

daajis.com:- Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad ayaa Khamiista maanta ah gaaray dalka Sucuudiga, si uu uga qayb galo shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo la filayo in mar kale dib loogu soo celiyo xubinnimadii Suuriya ee dalalka Carabta, taasoo noqonaysa booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago boqortooyada qaniga ah tan iyo markii ay colaadda Suuriya billaabatay sannadkii 2011.

Ka qaybgalka Assad ee shir madaxeedka Jaamacadda Carabta, oo bilaabmaya Jimcaha berri ah, ayaa ah tallaabo weyn xiriirka uu la leeyahay dalalka, ka dib 12 sano oo uu hakad ku jiray, taasoo keentay in hoggaamiyaha uu u jeesto xulafada aan Carabta ahayn ee Iran iyo Ruushka si uu u sii haysto awoodda.

Ururka ka kooban 22-ka xubnood ah ee ku shiraya magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga, ayaa dhawaan dib u soo celiyey dalka Suuriya, waxana uu hadda diyaar u yahay in uu soo dhaweeyo Assad oo mar loo arkayey in uu yahay maamule gobol yar oo ka tirsan Suuriya, uu dib ugu soo laabto safkiisa.

Madaxweynaha Suuriya ayaa si rasmi ah loogu martiqaaday ka qaybgalka shir-madaxeedkan todobaadkii hore.

Asad waxa uu u muuqday mid degan oo faraxsan markii uu kasoo dhaadhacay jaranjarada diyaarad, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Amiir Badr bin Sultan, guddoomiye ku xigeenka magaalada Makkah, oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit iyo masuuliyiin badan oo Sacuudiyaan ah.

AP.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada