Ergayga Arrimaha Somaliland oo Ka Warbixiyay Wixii u Qabsoomay Tan iyo Markii La Magacaabay

Ergayga Arrimaha Somaliland oo Ka Warbixiyay Wixii u Qabsoomay Tan iyo Markii La Magacaabay

daajis.com:- Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta shirjaraaid oo ku qabtay Muqdisho uga hadlay qodobo muhiim ah oo quseeya Arrimaha Wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Mudane Guuleed ayaa ugu horeeyn ka warbixiyay shaqooyinkii Muhiimka ahaa ee uu xafiiskiisa qabtay tan iyo markii la magacaabay, kuwaas oo isugu jiray arragti aruurin iyo Wadatashiyo lala yeeshay Madaxda Qaranka iyo indheergaradka Bulshada, ayna soo soo baxeyn natiijooyin aad u wanaagsan oo hormuud u noqon kara ka gun-gaarista Wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Dhanka kale Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa tilmaamay in Dowladda DFS ay ahmiyad gaar ah siineyso qadiyadda midnimada Umadda Soomaaliyeed, taas oo uu carrabka ku dhuftay in ay ku suuragali karto in si wadajir ah loo wajaho, lagana fogaado waxkasta oo wax udhimi kara.

Ergayga Gaarka ah ee Arriah Somaliland ayaa sidoo kale baaq nabadeed u diray dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Laascaanood, waxaana uu sheegay in Colaadu tahay mid dadka sii kala fogeysa, geesatana dhibaatooyin iyo mahadho aan soo kabasho la heyn, sidaas awgeedna ay muhiim tahay in waxkasta loomaro dhabaha nabadda.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada