Xasan Sheekh oo waxqabad xumo ku eedeeyay ATMIS, amaanna u jeediyay SNA

Xasan Sheekh oo waxqabad xumo ku eedeeyay ATMIS, amaanna u jeediyay SNA

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Qatar ayaa la hadlay Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno ku biiraya Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya oo tababar uu uga socda dalka Qatar.

Madaxweyne Xasan ayaa saraakiishan warbixin kasiiyay dagaalka dowladda ay kula jirto Shabaab iyo sida lagama maarmaan ay uga tahay iney doorkooda ka qaataan dib u xoreynta deegaanada wali kooxdaasi ay joogto.

Waxa uu dhinaca kale si toos ah u dhaleeceeyay ciidamada ATMIS, isagoo ku dhaliilay waxqabad xumo maadaama mudo ka badan 15 sano ay dalkan joogeen aaney isbedel muuqata ka sameyn awooda Shabaab.

Balse taasi bedelkeed wuxuu si aan ganbasho leheyn u tilmaamay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay Shabaab dhowr bil gudeheed ay uga saareen dhul balaaran, iyagoo aan la socon ciidanka ATMIS.

“Ciidamadeena waxay muujiyeen adkeysi aan horey loo sameyn. [ATMIS] oo taagniyo, beebeeyaal, madaafiic iyo hilikobtaro haysato way noo qaban waayeen 15-sano inta haatan laga xoreeyay dalka oo waliba nus kamid ah ay haatan noo dhiman tahay. Marka maahmaahdii ahayd ‘Biyo sacabadaada looga dhargaa’ waa dhabta jirta,” ayuu yiri.


Si kastaba, bisha June ee sanadkan waxaa la filayaa iney dalka isaga baxaan 2000 askari oo ATMIS ah, waxaana meelaha ay baneeyaan la wareegi doono ciidamadda Soomaalida, qorshah ayaa ah inta aan la gaarin 2025 ay guud ahaan dalka isaga huleelaan ciidankan dalalka afrikaanta ah ka socda.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada