Maamulka Cusub ee gobolka Gedo oo digniin u diray siyaasiyiinta Mucaaradka

Maamulka Cusub ee gobolka Gedo oo digniin u diray siyaasiyiinta Mucaaradka

daajis.com:- Gudoomiye ku xigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Guud ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Alqaadi  ayaa ka dalbaday Mas’uuliyiinta iyo shacabka ku nool degmda Baardheere ee gobolka Gedo in ay  Sugida Amniga kala shaqeeyaan Maamulkooda .

Gudoomiye Maamed Xuseen Alqadi ayaa sidoo kale sheegay  in Maamulka cusub ee loo soo magacaabay  gobolka Gedo qorshahood koowaad uu yahay la dagaalanka Alshabaab iyo sidii loo xaqiijin lahaa Amniga  gobolka Gedo.

Dhinaca kale,  Gudoomiye  ku xigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Guud ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa uga digay siyaasiyiinta Mucaaradaka ah ee hore xilalka uga soo qabtay gobolkaas in y carqaladeeyaan Ma’uliyiinta cusub ee dawlad goboleedka Jubland ay u soo magacaabeen gobolka Gedo.

Ugu dambeeyntiina Gudoomiye  Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa ugu baaqay Dawlad goboleedka Jubland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya in ay soo Magacaabaan Maamulada degmooyinka gobolka Gedo si ay shaqada hore ugu sii socoto.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada