Ciidamada dowladda oo howlgallo xoogan ka sameeyay Galgaduud

Ciidamada dowladda oo howlgallo xoogan ka sameeyay Galgaduud

daajis.com:- Ciidanka Kumaandooska DANAB  iyo Ciidanka Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta howlgallo ka dhan ah Uturka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada wadajirka ah ayaa sigaar ah howlgalka uga fuliyay degaannada kala ah Cali Cameey & Ontorey oo hoostaga Degmada galacad, halkaas oo la sheegay inay ku xooganaayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in ay sii laba jibaareen howlgallada  kasoconaya dhulka hoowdka si looga hortago weerarada ay Al-Shabaab ka soo qaadaan.

Degaannada howlgallada ay ka sameeyeen Ciidamada DANAB iyo kuwa Gorgor waxaa shalay gelinkii dambe ka dhacay dagaal xoogan, waxaana Maanta ka socda howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada