Hay’adaha Amniga dalka Turkiga oo qabtay Malaayiin doolar

Hay’adaha Amniga dalka Turkiga oo qabtay Malaayiin doolar

daajis.com:- Hay’adaha Amniga ee dalka Turkiga ayaa magaalada Istanbul ku qabtay lacag dhan 1 bilyan oo dollar oo faalso ah.

Lacagtan ayaa loo xiray lix qof oo ku lug lahaa, oo mid ka mid ah uu yahay qof u dhashay dalka Ghana iyo saddex qof oo Swedish ah, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka Istanbul.

Ciidamada Amniga  dalka Turkiga ayaa Eedeeysnayaasha ka soo  qabtay goob bakhaar ah oo ku taalla degmada Kagithane ee magaalada Istanbul, halkaas oo ay ku qabteen lacagahan been-abuurka ah oo loogu talagalay in loo diro dalalka Afrika, sida uu sheegay Booliisku.

Eedeysanayaasha ayaa la baaray guryihii ay degenaayeen, waxaana laga qaatay lacagihii iyo dahabkii ay wateen. Qunsuliyada Iswidishka iyo Ghana ayaa lala wadaagay xogta muwaadiniintooda loo xiray kiiskaan.

Lacagtan la qabtay ayaa ah lacagtii ugu badneyd ee taariikhda lagu qabto dalka Turkiga.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada