Daawo: Sarkaal Al-Shabaab kasoo goostay oo lagu soo bandhigay degmada Xudur

Daawo: Sarkaal Al-Shabaab kasoo goostay oo lagu soo bandhigay degmada Xudur

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta uu iska soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku soo dhaweeyeen degmada Xudur ee gobolkaasi.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Saciid Moogow Maday ayaa lagu soo bandhigay Xudur oo ah halka lagu soo dhaweeyay, kadib markii uu kasoo goostay kooxda Al-Shabaab.

Moogow ayaa haatan ahaa gacanta midig ee horjooge Cabdiraxmaan Garweyne oo Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Hiiraan, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.


Wareysi uu bixiyay ninkan ayaa waxaa ku sheegay inuu muddo sanado ah ka tirsanaa kooxda, isaga oo tababaro kala duwan soo qaatay, kana soo dagaalamay meelo dhowr ah.

Sidoo kale wuxuu wareysiga ku sheegay inuu Shabaab uga soo baxay xaalad adag oo u sheegay inay haatan wajahayaan, kadib howlgallada lagu qaaday, wuxuuna intaasi ku daray inuu ka faa’iideysanayo cafiska iyo fursadda ay siisay dowladda Soomaaliyeed.

Isa soo dhiibitaanka xubnaha Al-Shabaab ayaa tobobaadyadii lasoo dhaafay aad usoo kordheysay, ayada oo dhowaan gacanta dowladda uu soo galay garsoore beenaadkii kooxda Al-Shabaab ahna La-taliyihii horjoogaha guud ee kooxda, kaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Macalin Axmed, loona yaqaano Abuu-Saacid ama Shariif.

Ninkan ayaa ah xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa kooxda, sida ay shaacisay NISA.

Maalmo kahor ayay sidoo kale aheyd markii ay isa soo dhibeen illaa 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Raggan ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka jabhadaha weerarada geysta, sida ay shaaca ka qaaday hay’adda Nabad Sugidda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab uu haatan ku wajahan yahay Jubbaland iyo K/Galbeed, si looga saaro Shabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada