Golaha Ammaanka oo bayaan kasoo saaray dagaalka Laascaanood

Golaha Ammaanka oo bayaan kasoo saaray dagaalka Laascaanood

daajis.com:- Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Soo lee Waqooyiga Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta kasoo baxay golaha.

Bayaanka Golaha Ammaanka ayaa ugu horeyn dib u xaqiijiyay xurmada ay u hayaan madax banaanida dhuleed, jiritaanka qaranimo, iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Warbixinta golaha ee xaaladda Laascaanood ayaa lagu sheegay in shacab badan ay ku dhiteen colaadda ka taagan magaalada, ilaa iyo 150,000 oo qofna ay ku barakaceen.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tacsi u diray ehelada kuwii colaadda ku nafwaayay, soo kabashana u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay.

Waxaa kaloo warbixinta lagu yiri “Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxay soo dhaweynayaan dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya, Ethiopia iyo odayaasha dhaqanka ay ka wadaan gobolka, si xabadda loo joojiyo – wadahadal ay Soomaalidu garwadeen ka tahayna loo bilaabo.”


Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay heshiis xabad joojin ah gaaraan, waxayna booriyeen wada-hadal loo dhanyahay oo colaadda nabad ku soo dabbaala.

Warbixinta ayaa dhinaca kale ugu baaqday Xafiiska Qaradamada Midoobay ee Soomaaliya inuu taageero iyo gacan dheeri ah ka geysto arrintan.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa dhinaca kale ugu baaqay Somaliland inay si dhaqso ah ciidamadeeda ugala baxdo Laascaanood, islamarkaana ay dhinacyadu is xakameeyaan, oo ay joojiyaan daandaansiga iyo hadallada colaad hurinta ah.

Golaha ayaa xusuusiyay dhammaan dhinacyada waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimo iyo shuruucda xuquuqda aadanaha.

Waxaa kale oo goluhu uu xusuusiyay dhinacyada in lagula xisaabtami doono mas’uuliyaddaasi saaran, gaar ahaan kuwa jebiya shuruucdaas caalamiga ah ama gaysta xagdugudubyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah.

Waxaa kaloo Golaha Ammaanka ay ugu baaqeen deeq bixiyeyaasha inay dardar geliyaan kaalmada bani’aadannimo ee loo fidiyo Soomaaliya, iyagoo dhinacyada ka dalbaday inay sahlaan galaangalka kooxaha miinada iyo aaladaha qarxa ka saara goobaha colaadaha.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada