Daawo: Xamza oo sheegay taariikh cusub qormeysa oo ay tahay in laga harin

Daawo: Xamza oo sheegay taariikh cusub qormeysa oo ay tahay in laga harin

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta ka hadlay kulankii Golaha Wasiiradda ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab lagula jiro ay Soomaaliya uga dhigan tahay taariikh cusub oo qormeysa.

Ciidamada qeybahooda kala duwan ayuu ku bogaadiyay kaalintooda ku aadan dagaalka iyo howl-gallada kala duwan ee ka wadaan dalka, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo guud ahaan dalka.

“Waxaa bogaadinayaa ciidamada amniga ee meel walba oo dalkeena kamid ah ka wada Jihaadka ka dhanka ah Khawaarijta. Waxay sameynayaan taariikh cusub oo qalin dahab lagu qorayo.”

Waxa uu intaas kusii daray “Soomaaliya ayaa marlabaad dib u xoreynayaan ciidamada oo gumeysi ku hayaan Khawaarij aan waxba reebayn oo karaamada dadka iyo dalkaan baabi’iyay.”

Sidoo kale waxa uu bogaadiyay tallaabada madaxweyne Xasan Sheekh qaaday, isaga oo ku amaanay inuu dagaalka ka hoggaamiyo jiidaha hore, si dadweynaha iyo ciidamada qalabka sida loogu dhiirri-geliyo halganka ay ku jiraan.

“Waa oday runtii Soomaaliyeed oo Soomaaliya aan ka laheyn wax dan ah oo ka aheyn inuu arko dalkiisa oo xor ka ah gumeysiga Khawaarijta iyo inuu arko dalkiisa oo xor ka ah shan bilyan oo deyn ah, oo in fara badan oo kamid ah ay tahay ribo kor-saar ah oo dalkaan iyo jiilashiisa dambe culeys ku ah.”

Waxa uu intaas kusii daray “Madaxweynaha wuxuu u jiheystay dhinaca midnimada iyo israaca, inuu arko dalkiisa oo yeeshay dastuur daa’im ah oo degan iyo deganaansho siyaasadeed iyo inuu arko dadkiisa iyo dalkiisa oo sharaf ku dhex leh caalamka.”

Ugu dambeyntiina wuxuu faray wasiirada iyo madaxda hay’adaha in shaqaalaha ku hoggaamiyaan in kaalintooda “si af iyo adin ah uga qeyb-qaatan dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ee ka socda dalka.”


“Haddii aan dib uga soo dhacno malkadaas aan fuulnay meel aan ku istaageyno lama garanayo, laakiin in aan banaanka kore u baxno waxyar ayaa nooga dhiman. Markaa meel lagu kala majiro mucaarad iyo muxaafad maleh waa in aan gaarno wax kale oo na horyaalla majiro.”






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada