Alshabaab oo Degaano badan oo ka tirsan Ismaamulka Mandheera la wareegtay

Alshabaab oo Degaano badan oo ka tirsan Ismaamulka Mandheera la wareegtay

daajis.com:- Guddoomiyaha Ismaamulka Mandhera Maxamed Aadan Khaliif ayaa shaaca ka qaaday in boqolkiiba 60 ka mida ismaamulka Mandhera ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Maxamed ayaa sheegay in joogitaanka dagaalyahanada ay saameyn ku yeelatay adeegyadii kala duwanaa ee ka jiray qeybo ka mid ah gobolka.

Waxa uu ka hadlay kulan looga hadlayay amniga oo lagu doonayay sidii wax looga qaban lahaa falalka amni darro ee Al-Shabaab ka wadaan gobolka Waqooyi Bari oo ay madaxdu ku baaqeen in loo istaago sidii looga hortagi lahaa.

Shirka amniga ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyeyaasha gobollada iyo guddiga sirdoonka ee gobolka oo ka kala socday afar gobol oo dhaca xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Hogaamiyayaasha deegaanada ay saameeyeen weerarada Al-shabaab ayaa ka wada hadlay sidii looga hortagi lahaa weerarada sii kordhaya ee Al-Shabaab ay geysanayaaan.

Hoggaanka maamul goboleedyada Mandhera, Wajeer, Garissa iyo Lamu ayaa sheegay in kulanka ka sokow laga soo saaray go’aamo ku saabsan sida looga hortagi karo Al-Shabaab, ay ku baaqeen in bulshada laga wacyigeliyo sidii meesha looga saari lahaa waxyaabaha taageera kooxdan.


Ugu dambeeyntiina Guddoomaha Ismaaamulka Mandheera Maxamed Aadan Khaliif ayaa sheegay in maamulkiisa uusan awoodin inuu u qabto adeegyada bulshada, sababo la xiriira Al-Shabaab oo ku sugan gobolka waxana uu ku baaqay in la taageero dawladaa Kenya si loo Amniga loo soo celiyo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada