Nin ka yimid deegaan ay maamusho Al-Shabaab oo toogasho ka fuliyey magaala…

Nin ka yimid deegaan ay maamusho Al-Shabaab oo toogasho ka fuliyey magaala…

daajis.com:- Ninkan oo la sheegay in billo ka hor uu ka yimid deegaanka Buur Eyle ee Gobolka Baay ayaa habeenkii Jimcaha toogasho ka gaystay degmada Buurhakaba ee gobolkaasi.

Toogashada ayaa ka dhacday Bartamaha Buurhakaba, iyadoona ay ku dhinteen laba ka mida Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, halka gabar kalena sida la sheegay ay ku dhaawacantay, taas oo xaaladeeda la sheegay inay garaab tahay.

Wararka ayaa sheegaya in dembiilaha uu ka baxsaday goobtii uu dilka ka gaystay. Ciidamada amniga oo hawlgalo ka sameeyay magaalada ayaa ku guuldareystay in ay gacanta ku soo dhigaan.

Labada askari ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Xaaji Madnuur (Mad-muran) iyo Xasan Cabdi Buulle (Baroor) oo nin da’ ahaa.

Sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ninkan uu dhowrkii bilood ee ugu dambeysay ka tirsanaa Ciidanka Madaniga Buurhakaba.

“Waa nin dhallinyaro ah oo ka yimid deegaanka Buur Eyle, maadaama loo arkay nin firfircoon waxaa lagu daray Ciidamada Madaniga ee degmada, saddex biloodna iyaga ayuu ka mid ahaa, qori AK47 iyo booshkiisna isagaa lacagtiisa kala baxay,” ayuu yiri sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Waxa kaloo uu yiri “Markii hore in ciidamada lagu soo daro waxaa ka shaqeeyay askar ay ehel yihiin oo magaalada deganaa, Soomaalida oo iska ah dad is qaraabeysta awgeed ninkan lagama shakin.”

Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray “Waxay ahayd maadaama uu ka yimid dhul ay Al-Shabaab ka arrimiso in la hubiyo ayay ahayd, laakiin askartan uu dili doono ayaa qaab qaraabeysi ah u soo dhaweeyay, iyagii ayuuna dilay, qoryihiina ka qaatay. Lama marsiin habraacii u yiilay hay’adaha amniga, qaraabeysi ayay ku soo dhoweysteen, naftuuna dhaafiyay.”


Saraakiisha Ciidamada ayaa tuhunsan in ninkaasi uu dib ugu laabtay deegaanka Buur Eyle, oo markii horeba uu ka yimid.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada