Daawo Sawirada: Xukuumada somalia oo War cad kasoo saartay Mooshinkii fashilmay ee keeneen Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka

Daawo Sawirada: Xukuumada somalia oo War cad kasoo saartay Mooshinkii fashilmay ee keeneen Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka

daajis.com:-Shirkii golaha wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee joogtada ahaa oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa lagu soo dhaweeyay go’aanka baarlamaanku ay uga noqdeeny mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda, waxaa kaloo goluhu ka wada hadleen arrimaha federaalaynta dalka ee la xiriira Jubaland iyo wada xaajoodka Somaliland.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa saxaafadda si toos ah ugala hadlay shacabka Soomaaliyeed kadib markii uu dhamaaday shirkii golaha wasiirada. Isagoona soo dhaweeyay go,aankii baarlamaanka ee looga noqday mooshinka ka dhanka ahaa xukuumada, waxaa uu ka hadlay xaalada Kismaayo, horumarka gobolada koonfureed, magaalda Muqdisho iyo halka ay marayaan wada-hadaladii dawladda Soomaliya iyo maamulka Soomaaliland.

“Si wadajir ah baan u xalinay dareenkii xildhibaanadii mooshinka keenay hadaan nahay labada gole ee dawladda kala duwanaanta fikirka hadii si fiican loo isticmaalo wax badan baa laga faa’iidaa, waxaana oran karaa, ka dawlad ahaan waan ka faa’iidaysanay mooshinka, maanta iyo maantii mooshinka la bilaabay maantaan kalsooni badanahay, oo aan dhihikaraa faham buuxa ayaa ka qabnaa qaabka wada shaqeynta labada gole,” ayuu yiri R/wasaaraha oo siweyn ugu mahad celiyay shacbiga Soomaaliyeed ee taageerada buuxda u muujiyay xukuumada mudadii mooshinku socday.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa si kooban uga warbixiyay horumarka arrimha guddaha iyo dhaqaalaha dalka waxaana uu sheegay inuu jiro kobac dhaqaale oo yididiilo leh iyo in dalka dib-loogu soo noqonayo muda dheer kadib.

Sidoo kale mudane Cabdi Faarax shirdoon R/wasaaraha dalka waxaa uu ka hadalay arrimha Kismaayo iyo barnaamijka dawladda ee ku aadan maamulka la baxay Jubaland waxaana uu sheegay ugu horeyn in xukuumaddu leedahay masuuliyada federaalaynta dalka ayna doonayso in ay maamul goboleedyadu ku dhismaan sida dastuurku dhigayo ee ummada Soomaaliyeed heshiiska ku gashay.

“Dariiqa loo marayo waa inuu noqdo dariiqa saxdaa, waa in dawladdu leedahay doorka hogaanka lagu samaynayo maamul goboleedka Sidoo kale waa muhiim in shacabka deegaanku u dhan yihiin oo isku waafaqsan yihiin uuna waafaqsan yahay dastuurka waxaa kaloo muhiim ah inaysan hakad galin ladagaalanka argagixisada iyo sidii wadanka nadab loogu soo dabaali lahaa,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Mar uu ka hadlayay R/wasaaraha wadahadaladii u dhexeeyay xukuumada iyo maamulka gobollada waqooyi galbeed ee Soomaaliland kulanka labaad ee laysugu soo noqonayo Istanbul bisha soo socota ayaa tilmaamay in ay wada hadaladaani muhiimad gooni ah u leeyihiin ummada Soomaaliyeed ayna taas ku baraarugsan tahay dawladda.

“Xukuumad ahaan waxaan doonaynaa in aan gaarno Soomaaliya oo mid ah isla markaana federaali ah wadada aan u hayno jidkaas midnimada waa in aan la sharaysan ee nalagu taageero hawsha na loo igmaday Waxaan doonaynaa Soomaaliya oo mid ah, wax-dheeraad ah ma galinayno kamana saareyno,” Ayuu ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay R/wasaaraha dalka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada